Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Image

Qaahira — Masar, Soomaaliya, Turkiga iyo Jabuuti ayaa si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, iyagoo ka digay in arrintaasi ay khatar ku tahay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana ay jebinayso sharciga caalamiga ah, kana dhalan karto xasillooni-darro ka sii darta Geeska Afrika.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, uu Jimcihii khadka telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Cabdulqaadir Xuseen Cumar, si ay uga wada hadlaan xaaladda si degdeg ah u sii cakirmaysa ee Geeska Afrika.

Intii lagu jiray wada-hadallada, afarta wasiir ayaa si isku mid ah u cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyagoo caddeeyay taageeradooda buuxda ee midnimada, madax-baBayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelattynnaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay si adag u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wiiqi karta madax-bannaanida Soomaaliya ama khatar gelin karta xasilloonida dalka, iyagoo carrabka ku adkeeyay taageerada ay u hayaan hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

Wasiirradu waxay sidoo kale cambaareeyeen isku-day kasta oo lagu dhisayo hay’ado is barbar socda oo ka hor imanaya midnimada dowladnimada Soomaaliya ama halis gelinaya xasilloonideeda, iyagoo ka digay in aqoonsiga gobollo gooni u go’ay oo ka tirsan dalal madax-bannaan uu abuuri karo tusaale khatar ah. Tallaabooyinkan, ayay sheegeen, waxay si toos ah u khatar gelinayaan nabadda iyo amniga caalamiga ah, isla markaana ay ka hor imanayaan mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Ixtiraamka madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, ayay wasiirradu ku adkeeyeen, waa tiir asaasi u ah xasilloonida caalamka, mana la hareer mari karo marmarsiiyo kasta ha ahaatee. Waxay sidoo kale diideen isku-dayo lagu abuurayo xaqiiqooyin siyaasadeed oo cusub oo wiiqaya sharciyadda caalamiga ah kana hor imanaya fursadaha amni, xasillooni iyo horumar ee gobolka.

Isla macnahaas, wasiirradu waxay mar kale muujiyeen diidmo buuxda oo ku aaddan qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiin lagana rarayo dhulkooda, iyagoo xusay in soo-jeedinta noocaas ah ay si cad u diideen inta badan beesha caalamka, marka la eego qaab iyo nuxurba.

Horaantii Jimcihii, Israa’iil ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, iyadoo noqotay xubin Qaramada Midoobay ka tirsan oo ugu horreysa ee tallaabadaas qaadda tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa kala saxiixday bayaan wadajir ah oo lagu dhisayo xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, laguna ballanqaaday iskaashi dhinacyada beeraha, caafimaadka iyo horumarinta dhaqaalaha, iyadoo Israa’iil ay ku tilmaantay tallaabadan mid ka mid ah ballaarinta heshiisyada Abraham Accords.

Somaliland weli ma helin aqoonsi caalami ah in ka badan saddex iyo soddon sano kadib markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taag, mana aqoonsana Qaramada Midoobay ama Midowga Afrika. Soomaaliya waxay weli u aragtaa Somaliland inay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda madaxbannaan, mowqif ay taageersan yihiin Midowga Afrika iyo dowladaha gobolka, kuwaas oo muddo dheer ka soo horjeeday tallaabooyin dhiirrigelin kara kala-go’ ama gooni-u-goosad qaaradda Afrika.

Bilihii la soo dhaafay, warbaahinta caalamka ayaa werisay in Somaliland ay ka mid ahayd goobaha Israa’iil soo jeedisay ee lagu xiriiriyay qorshayaal lagu barakicinayo Falastiiniyiinta Gaza. Masar ayaa si adag u diiday soo-jeedintaas, iyadoo mar kale ku celisay mowqifkeeda ka dhanka ah barakicinta qasabka ah ee shacabka Falastiin, kana digtay in qorshayaashaas ay jebinayaan sharciga caalamiga ah isla markaana khatar ku yihiin xasilloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM