Mas'uul ka hadlay Xildhibaano lagu dilay duleedka Muqdisho [Dhageyso]

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle, Cusmaan Barre Maxamed ayaa ka hadlay dilka Labo Xilldhibaan oo lagu khaarijiyay weerar jidgal ah oo ay ku beegsadeen Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Cusmaan ayaa wuxuu ka dalbaday laamaha amaanka ee halkaas ku sugan inay ka daba-tagaan dableydii ka dambeysay, falkaan ayna hor-keenan cadaaladda, si loo mariyo ciqaabta ay muteysteen.

Weerarka oo ku bilowday qoryaha Garbaha laga ganno, ayna xigtay dagaal fool ka fool ah ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka Muqdisho, gaara ahaan wada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Al-Shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda waxay ka dhawaajiyeen in howlgal ay ka fuliyeen inta udhaxeysa magaalooyinka Qalimow iyo Balcada, gaara ahaan Aaga Ceelka Gellow ay ku dileen Labo Mudane.

Mudanayaasha oo lagu kala magacaabo Aadan Mukhtar Cabdulle iyo Ismaaciil Muumin Hillowlle ayaa waxaa lala dilay askar iyo saraakiil ciidan, sida Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uuliyiin.

Labada Xildhibaan ayaa meydadkooda saaka lagu aasay magaalada Jowhar, waxaana aaskooda ka qeybgalay Madax katirsan maamulka HirShabeelle.

Geesta kale, Golaha Amniga Qaranka oo war-saxaafadeed kasoo saarey shirkii ay kusoo gaba gabeeyeen Baydhabo habeenimadii Talaada ahayd ayaa waxay ka tac-siyeeyeen Geerida labada Xildhibaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM

Natiijo horey loo saadaalinayay oo kasoo baxday doorashadii Galmudug

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ayaa horey u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 07:25PM