Mas'uul kale oo katirsan Xukuumadda Khayre oo loo xiray Musuqmaasuq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay dhageysato codsi ka yimid Qareenadda Cabdishakuur Aadan Maxmuud, kaasoo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, islamarkaana lagu soo eedeeyay musuq-maasuq.

Cabdishakuur, oo si gaar ah uga tirsan Waaxda Qandaraasyadda ee Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu xabsi ku jiraa muddo Todobaadyo ah, isagoo lagu soo eedeeyay wax isdabamarin, sida ay sheegtay xeer-illaalinta.

Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed, oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u sheegay warbaahinta in maanta ay u fariisan doonan kiiska dhageysiga codsiga damaanad kusii daynta eedaysane Cabdishakuur Aadan Maxmuud.

"Codsiga oo ay soo gudbiyeen Qareenadda eedaysanaha, waxaa go'aan kama dambeys ah kasoo saari doonta Maxkamadda maanta, maadaama dhageysiga loo madalsan yahay inay maanta qabsoonto," ayuu Gudoomiye Muuse hadalkiisa raaciyay.

Hadalka Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed, oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya xili mudooyinkii ay soo kordhayaan masuuliyiinta ka tirsan dowladda ee musuq-maasuq loo xirayo, islamarkaana xabsiga la dhigayay.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa mar sii horeysay ku nuux-nuux saday in dowladdu ay gacan bir ah ku qaban doonto cid walba oo lagu helayo lunshada Hantida Qaranka, lana xiri doono.

Musuq-maasuq oo noocyo kala duwan leh ayaa la sheegaa inuu kamid yaay waxybaaha Jilbaha dhulka udhigay Qaranka Soomaaliyeed, kaasoo haatan ku jira soo kabasho, inkasta oo ay jiraan caqabado waa wayn oo ku hor-gudban oo uu ugu horeyso "xatooyada xoolaha qaranka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM