Mas'uul katirsan gobolka Banaadir oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubaysan ayaa saaka magaalada Muqdisho ku dishay mas'uul katirsan maamulka gobolka Banaadir.

Mas'uulkan la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Nuuraani ayaa waxa uu ahaa Gudoomiyaha waax/laan katirsan degmada Xamar-Jajab, sida uu xaqiijiyay gudoomoyaha degmada Waaberi.

Labo nin oo ku hubaysan bastoolado, islamarkaana watay Mooto ayaa dilka fuliyay kuwaasi oo meesha ka baxsaday kahor inta aysan ciidamada amaanka dowladda Federaalka soo gaarin.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka ninkan, kaasi oo aad looga yaqaaney gudaha degmada Waaberi ee saaka lagu dilay.

Al Shabaab ayaa inta badan ka gaysata dilalka magaalada Muqdisho, oo mudooyinkii dambe amaankeeda aad loo adkeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM