Mas'uul katirsan gobolka Banaadir oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu soo waramayaa in maanta duhurkii kadib lagu dilay magaalada Muqdisho.

Goob-jooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqijiyay in Mas'uulka la dilay uu la shaqeynayay mamaulka degmada Yaaqshiid, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Cartan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Cartan uu ahaa Sarkaal katirsanaa ciidamada Badda Soomaaliya.

Nin bastoolad ku hubaysan ayaa ku toogten Cartan Nawaaxiga Daarta Wiif, ee Suuq Bacaad, kaasi oo isna ciidamada amniga ay isla goobta ku toogteen.

Lama oga cida dilka Cartan ka dambaysa, balse wuxuu dilkaasi qeyb ka noqonayaa dilal mudooyinkii dambe ka dhacay Muqdisho, oo loo geysanayay Odayaal, shaqaalaha dowladda iyo dad kaloo Askar kamid ahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM