​Mas'uul lagu dilay magaalada Muqdishu

Image

Kooxo watay mooto saddex lugooley ah, ayaa saaka barqankii magaalada Muqdishu caasumadda Soomaaliya ku dilay Guddoomiye ku-xigeenkii hore degmada Dharkaynley Cabdullaahi Ibrahim Isbiimo.

Mas'uulkaasi oo hadda ahaa xubin katirsan guddiga isku xirka xaafadaha Muqdishu, ayaa dhex socday waqtigii la dilay degmada Dharkaynley, waxaana lala dilay darawalkiisii.

Mas'uuliyadda falkaasi, waxaa sheegatay kooxda dilalka ka gaysatay Muqdish ee Al Shabaab.

Ciidamada amniga ayaa goobta gaaray, iyagoo bilaabay baaritaano ay ku raadinayaan kooxdii toogashada gaysatay.

Tan iyo intii ay dhalatay bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxaa magaaladaasi lagu dilay dhawr qof oo dhammaantood katirsanaa degmooyinka gobolka Banaadir, waxayna u badnaayeen agaasimayaal waaxeedyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM