​Mas'uuliyiin booqatay xarunta lagu hayo dhalinyarada Shabaab kasoo goosta

Image
Image
Image

MUQDISHU- Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Somalia Francisco Madeira, oo ay wehelinayaan safiirka Burundi , taliyaha howlgalka AMISOM iyo saraakiil kale, ayaa booqday xafiiska hay’adda dhaqan-celinta dhalinyarada ka soo baxsatay Al-shabaab, ee magaalada Muqdisho.

Booqashadan, ayaa ujeedkoodu ahaa inay soo arkaan qaabka loo xannaaneeyo dhalinyarada kasoo baxa ururka Shabaab, waxayna sidoo kale ballanqaadeen inay doorkooda qaadan doonaan.

Danjire Madeira, atyaa halkaas kula kulmay agaasimaha guud ee hay’adda qaabilsan dhaqan-celinta dhallinyarada, Maalik Cabdalla iyo xubno kale oo ka tirsan hay’addaas, isaga oo hay’adda ku bogaadiyay xilka ay iska saareen xannaaneynta iyo wacyi gelinta dhallinyarada ka soo baxsata Al-shabaab.

Danjiraha, ayaa sheegay in Midowga Afrika, uu kaalin ka qaadan doono dhaqan-celinta, iyo tababarrada wacyi gelinta ah ee la siinayo dhallinyaradaas.

Agaasimaha hay’adda gacanta ku hayso dhallinyaradaas, Maalik Cabdalla, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay in dhallinyarada ay u sameyso mustaqbal ay noloshooda ku maareystaan, isaga oo xusay in dhallinyarada ay hay’addu gacanta ku hayso la baro xirfado kala duwan.

Dhawaan ayay ahayd markii tababar loo soo xiray dhalinyaro la baray xirfado kala duwan kuwaasi oo kamid ah rag horay uga soo laabtay fikirka Kooxda Shabaab, waxaana horay dowladda Somalia cafis u fiday cid kasta oo kasoo baxda fikirka ururkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM