Mas'uuliyiin iyo carruurtooda oo lagu afduubay gobolka Gedo

Image

LUUQ, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa mas'uuliyiin katirsan maamulka gobolka Gedo iyo caruur ay dhaleen ka afduubey saaka oo Khamiis ah degmada Luuq, oo kamid ah goobaha ay maamusho dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sarkaal katirsan Ciidamada degmada Luuq oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qafaalatay gudoomiye-yaasha degaanada Shaatilow iyo Caddaley, oo lagu kala magacaabo, Cabdullaahi Kuusow Maxamed iyo Axmed Cumar sida ay isagu xigaan.

Waxaa sidoo kale lala afduubay Gudoomiye-yaasha labo wiil oo ay dhaleen, waxaana dhanka kale dadka degaan ay sheegeen in la la'yahay gudoomiyaha Tuulada Bakaale, oo loo maleynayo in Al-Shabaab gacanta uu ku maqan yahay.

Lama oga sababta ka dambeysa in Al-Shabaab ay falkan afduubka ah kula kacdo gudoomiye-yaasha Tuulooyinka hoostaga degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana jira cabsi xooggan laga muujiyay nolosha mas'uuliyiinta.

Gobolka Gedo oo guud ahaan degmooyinkiisa ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowaldda Federaalka, Jubbaland iyo AMISOM ayaa waxaa ka dhacayay mudooyinkii dambe afduub loo geysto shaqaalaha hay'adaha samafalka iyo saraakiisha maamulka gobolka.

Gedo ayaa waxaa la rumeysan yahay inay Al-Shabaab ka abaabusho weerarada ay ka fuliso gobolka waqooyi bari ee Kenya, oo ay ku beegsato Ciidamada Booliska dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM