Maxaa dhacaya hadii doorashada Beledweyne loo wareejiyo Jowhar?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cali Cabdulaahi Cosoble, madaxweynihii hore ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, ayaa uga digay wasiirka 1aad ee xukumadda Maxamed Xuseen Rooble in ay aqbalo in laga wareejiyo magaalada Beledweyne doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Qoraal kooban oo uu ku daabacay ciwaanka gaarka ah ee Facebook ayuu Cosoble ku sheegay in haddii uu R’iisul Wasaare Rooble oggolaato in Beledweyne laga wareejiyo doorashada uu gobolka Hiiraan ka “galayo godob taariikhda geli doonta”.

Cali Cabdulaahi Cosoble, madaxweynihii ugu horeeyay ee Hirshabeelle ayaa qoraalkiisa ku sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka fadhigiisu Jowhar iyo saraakiil ka mid ah ciidamadii la baxay Badbaado Qaran ay leeyihiin ujeedo gaar ah.

“Mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo saraakiishii ka mid aheyd ciidamadii la magac baxay Badbaado Qaran ee isugu tagay magaalada B/weyne wexey leeyihiin hal ujeeddo in doorashada laga wareejiyo B/weyne oo la geeyo Jowhar. Si ay ugu suurto gashana wexey abaabulayaan rabshado ay ku kicinayaan shacabka magaalada.” Ayuu ku dooday.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa dhawaan ka dhacay iskahorimaad hubeysan oo ciidamo qaab beeleed u abaabulan ay la galeen ciidamada dowlada, iyada oo sidoo kale banaanbaxyo loogaga soo horjeedo maamulka Hirshabelle ay ka dhaceen magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo xulufo la ah madaxweynaha waqtigiisa dastuuriga ah uu dhamaaday Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu qorshaynayo in kuraasta taalada magaalada Baledweyne uu u soo wareejiyo Jowhar maadaama magaaadda ku suganyihiin maleeshiyaad ka soo horjeeda.

Reer Hiiraan ayaa mudo diidanaa Madaxweyne Guudlaawe, oo doorashadiisa ay qaadaceen, iyagoo u diiday inuu Beledweyne booqdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM