Maxaa ka jira in wakiilka midowga Yurub ee Somaliya musuqmaasuq lagu eryey?

Image

NAIROBI, Puntland-  Waxaa maalmihii ugu dambeeyey saxafada Somalida gaar ahaan kuwooda muqaalka xogta ku soo gudbiya Baraha Internet-kooda soo dhigeen warar sheegaya in shaqada looga joojiyey ergeyga midowga Yurub u qaabilsan Somalia arrimo musuqmaasuq.

Warsidaha Garowe Online oo u kuurgaley inuu wax ka ogaado xaqiiqda warkaas ayaa fahansan in ergeyga midowga Yurub Michele Cervone in aan xafiiska looga qaadin arrimo la xiriira musuqmaasuq lagu sameeyey xarun dhisme EU ka dhisaneysay magaalada Muqdishu balse ay dhamaatey muddadii Afartii sano aheyd sano aheyd ee loo soo magacabey shaqada uu ka hayey dalka Somaliya.

Michele Cervone oo xilkaas loo magacaacbey sanadkii 2013 ayaa  wararka aan ka helnay diplomaasiyiin ku sugan Nairobi lagu badalay haweeney u dhalatey dalka Spain taasoo xilka la wareegeysa doorashada Somaliya kadib.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan dhinaca kale in Wakiilo badan oo ka tirsan beesha caalamka  gaar ahaan wadamada midowga Yurub xubnahooda u qaabilsan arimaha Somaliya waqtigooda dhamaanayo doorashada Somaliya kadib taasoo la filayo iney dhacdo dabayaqada sanadka 2016.

Wakiiladaan ayaa intooda Badan shaqada loo soo magacaabey Afartii Sano ee xilka Madaxweynaha Somaliya loo doortey Xasan Shiikh mar kaasoo dowlada Federaalka Ka baxdey KMG-ka.

Wadanka Somaliya gaar ahaan dowlada Federaalka ah ayaa tageero dhaqaale ka hela wadamada midowga Yurub.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM