Maxaa ka jira in wakiilka midowga Yurub ee Somaliya musuqmaasuq lagu eryey?

Image

NAIROBI, Puntland-  Waxaa maalmihii ugu dambeeyey saxafada Somalida gaar ahaan kuwooda muqaalka xogta ku soo gudbiya Baraha Internet-kooda soo dhigeen warar sheegaya in shaqada looga joojiyey ergeyga midowga Yurub u qaabilsan Somalia arrimo musuqmaasuq.

Warsidaha Garowe Online oo u kuurgaley inuu wax ka ogaado xaqiiqda warkaas ayaa fahansan in ergeyga midowga Yurub Michele Cervone in aan xafiiska looga qaadin arrimo la xiriira musuqmaasuq lagu sameeyey xarun dhisme EU ka dhisaneysay magaalada Muqdishu balse ay dhamaatey muddadii Afartii sano aheyd sano aheyd ee loo soo magacabey shaqada uu ka hayey dalka Somaliya.

Michele Cervone oo xilkaas loo magacaacbey sanadkii 2013 ayaa  wararka aan ka helnay diplomaasiyiin ku sugan Nairobi lagu badalay haweeney u dhalatey dalka Spain taasoo xilka la wareegeysa doorashada Somaliya kadib.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan dhinaca kale in Wakiilo badan oo ka tirsan beesha caalamka  gaar ahaan wadamada midowga Yurub xubnahooda u qaabilsan arimaha Somaliya waqtigooda dhamaanayo doorashada Somaliya kadib taasoo la filayo iney dhacdo dabayaqada sanadka 2016.

Wakiiladaan ayaa intooda Badan shaqada loo soo magacaabey Afartii Sano ee xilka Madaxweynaha Somaliya loo doortey Xasan Shiikh mar kaasoo dowlada Federaalka Ka baxdey KMG-ka.

Wadanka Somaliya gaar ahaan dowlada Federaalka ah ayaa tageero dhaqaale ka hela wadamada midowga Yurub.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM