Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo ku kulmay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka waddanka Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ayaa Khamiista maanta ah waxay ku kulmeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo xog ogaal ah.

Kulankaas oo daba socday is-fahamkii ay gaareen madaxda ku shirsan Dhuusamareeb ayaa kusoo dhamaadey fashil ka gedaal markii dhinacyadda isla qaadan waayeen heshiis mideysan.

Mahdi ayaa u soo jeediyey Cabdi Xaashi in uu saddex xubnood ku darsado guddiga soo xulaya wakiilada Somaliland. Hasa ahaatee, Senator-ka wuxuu gabi ahaanba ganafka ku dhuftay arrinkaas.

Sidda ay xoguhu caddeynayaan, Cabdi Xaashi ayaa wuxuu dalbadey in la sameeyo guddi sarre oo ay ku jiraan khuburo kasoo jeeda gobolada waqooyi kuwaas oo xalinaya khilaaf kasta oo yimaada.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa loo xil-saarey in uu u kala dabqaado Xaashi iyo Guuleed.

Qadiyadda xulista wakiilada Somaliland ayaa kamid ah saddex qodob oo sababay in muddo xileedka dowladda haatan jirta uu dhamaado iyadda oo aan is-faham laga gaarin doorashooyinka iyo in uusan dhaqan-gelin heshiiskii 17-kii September dhexmaray dowlada iyo maamulada.

Fashilka uu kusoo dhamaadey kulankii maanta ee Cabdi Xaashi iyo Mahdi ayaa dharbaaxo waxay dib ugu laabaneysaa hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo maamulada kuwaas oo wadatashi kadib talo mideysan ka yeelan isla markaana la rajeynayaan in ay go’aan ka gaaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM