Maxaa kasoo kordhay shirka hogaamiyeyaasha Soomaalida?

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa casuumaad u diray madaxda dowlad goboleedyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Illo xog ogaal ah ayaa u sheegay Garowe Online in shirka Shirka Wadatashiga Qaranka la filayo inuu ka dhaco Muqdisho 11-ka bishan Sebtember sanadkan aan ku jirno 2022-da.

Balse, waxaa ku xiran hal caqabad, sidda uu fahansan yahay GO, taasoo ah in madaxda maamul goboleedyadda ay ogolaadaan martiqaadka uu u fidiyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

"Madaxda maamuladda waa fahansan yahay in madaxwayne Xasan Sheekh ka doonayo sawir-wadareed kahor inta uusan u duulin magaalada New York iyo shirka sanadlaha ee UN-ka," ayuu yiri qof war-gal ah.

Kulanka loo-dhan-yahay ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa la qorsheeyay in uu qabsoomo inta u dhaxeysa 20-ka illaa 23-ka bishan aan hadda ku guda jirno ee September.

"Waxay dhaqan u noqotay Villa Soomaaliya in ay shir isugu yeerto madaxda maamuladda ka hor inta aysan madaxda adduunka kula kulmin New York, iyagoo muujinaya sawirka midnimada," ayuu raaciyey.

Bahwadaagta caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dhanka ammaanka ayaa si isa soo taraysa uga dalbanaya dowladda federaalka in ay hoggaanka u qabato dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii labaad fursad helay ayaa la filayaa inuu dhawaan u safro Sacuudiga, halkaas uu ka gudbinayo codsi taageero dhaqaale oo loogu talagalay abaaraha iyo ciribtirka maleyshiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM