Maxaa kasoo baxay waanwaantii Farmaajo iyo Rooble?

Image
Shir saacado badan qaatay ayaa lagu waramay in labada mas'uul ay ka yeesheen qadiyada Ikraan Tahliil Faarax.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii dhexmaray mdaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa la sheegay in uu kusoo dhamaadey natiijo la'aan.

Wadahadaladan ayaa ujeedkoodu ahaa in la xaliyo khilaafaadka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsan hay'ada sirdoonka lana waayey in ka badan laba bilood kahor.

Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo loo qaateen ah, qodobka la isku mari waayey ayaa ah qaabka loo maareynayo qadiyaddan iyadda oo qoyska Ikraan ay ku adkeysanayaan in a cadaalad helaan.

Dr Tahliil Faarax oo ah Aabaha gabadha loo heysto sirdoonka Soomaaliya ee Ikraan, ayaa ku booriyey dhinacyada dhexdhexaadinta wada in aysan waqti isaga lumin diyo iyo wax kasta oo lamid ah.

"Go’aanka reer Tahliil Faarax iyo reer Maxamuud Guhaad ee kiiska Ikraan waxa uu yahay in wax gorgortan ah aysan ka geli doonin cadaaladda u helidda gabadhooda, wax cadaalad aan aheyna nama deeqdo, madaxda NISA waxaan ka rabnaa hadii ay hayaan gabadheenii inay si deg deg ah u sii daayaan, hadii la dilayna in meydkeeda nala siiyo, si aan u aasano. Diyo dooni mayno xataa haddii ay tahay bilyanis," ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxwayneyaasha Galmuug iyo Koonfur Galbeed, Qoorqoor iyo Laftagareen, ayaa garwadeen ka ah wadaxaajoodyadda oo Villa Soomaaliya ay si weyn u quudareyneyso in xal lagu gaaro.

Mucaaradka ayaa si weyn uga ololeeyay wadahadaladda ayaga oo aaminsan in kooxda Farmaajo ee waqtigu ka dhacay aysan daacad ka ahayn ayna kaliya doonayaan in ay ku damiyaan xiisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM