Maxaa kusoo kordhay dagaalka Guriceel?

Image

GURICEEL, Soomaaliya - Xaaladda Guriceel ayaa wali kacsan, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo labada dhinac ay wadaan, iyadoo saakay illaa hadda la maqlayo rasaas goos goos ah oo ka dhacayso xaafadaha qaar.

Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka ay ku sugan yihiin qeybo badan oo kamid ah Guriceel, iyadoo dadka degaanka ay xaqiijiyeen in Ahlu Sunna haysato dhanka bari, aaga loo yaqaano Jaamacada.

Dagaal maryo dhiig leh lagu kala-furtay ayaa shalay ka dhacay Guriceel, kaasoo yimid kadib markii Ciidanka xulufada ah ay duulaan dhinacyada badan ku qaadeen degmada oo tan iyo 1-dii bishan gacanta ugu jirtay Ahlu Sunna.

Ugu yaraan 20 qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhimatay dagaalkii shalay, waxaana kamid ah saraakiil sare oo uu ku jiro taliyihii Danab ee Galmudug C/ladhiif Fayle, oo dilkiisa aad looga naxay, maadaama uu ahaa taliye hormuud u ahaa dagaalkii Koonfurta Mudug lagula galay Al-Shabaab dhawaan.

Galmudug ayaa ka fursan waysay inay duulaan ku qaado Guriceel kadib markii ay soo xirmeen albaabadii wadahadallada, iyadoo dagaalka kusoo beegmayo xili la isku diyaarinayo doorashadda aqalka hoose, oo laga baqdin qabo inay dib u dhacdo markale.

Ciidan badan oo laga soo qaadey Muqdisho ayaa kusii qulqulaya Dhuusamareeb, kuwaasoo loo wado dagaalka Guriceel, oo wali socda, waxaana DF sheegtay inay wado howlgal lagu sifeynayo wax ay ugu yeertay maamul-diid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM