Maxaa loo xiray Xafiiskii laga maamuli jiray Hawada Soomaaliya?

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay albaabada isugu dhufatay xafiiska laga maamulayey Hawadda dalka 16-kii sano kaasi oo ku yaallay magaalada Nairobi, ee xarunta wadanka Kenya.

Sababta loo xiray xafiiska ayaa waxay tahay in loosoo wareejiyay maamulka Hawada magaaladda Muqdisho oo laga sameeyay xarunta rasmiga ah ee maamulka hawadda taasi oo Madaxweyne Farmaajo uu daah-furay December 2017.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hay'adda gacanta ku haysay maamulka Hawadda Soomaaliya ICAO ayaa lagu xaqiijiyay xiritaanka Xafiiskan in wareejinta, iyadoo sheegtay in wixii hadda ka dambeeya Soomaaliya ay maamulan doonto hawadeeda.

Wasiirka Gadiidka iyo Duuliska Hawadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar, ayaa ku tilmaamay talaabadaan mid kordhin doonta dhaqaalaha dalka, islamarkaana ay shaqaalaha ajnabiga ah ay ku bedeli doonaan kuwa Soomaali ah.

In ka badan 34 qof ayaa waxay ka howlgali doonan xarunta cusub, taasoo xukuumada Muqdisho sheegtay inay isugu jiraan dad Soomaali ah iyo Ajanabi, waxaana rajo uu ka muujiyay Wasiirka in dhamaantooda Soomaali noqdaan mustaqbalka.

Xarunta cusub ee laga maamuli doono hawadda Soomaaliya, waxay laga hergeliyay gudaha Garoonka Aaddan Cadde, halkaasoo markii hore laga maamuli jiray ka hor burburkii dowladda dhexe 1990-kii.

Waxaa maamulka Hawada la wareegtay SCAMA [Somali Civil Aviation and Meteorology Authority], kadib markii uu kasoo baxay gacanta ICAO.

Tan iyo waqtigaas wixii ka dambeeyay, waxaa gacanta ku haysay maamulka hawada dalka Hay'adda ICAO, oo hoostagta Qaramadda Midoobay, taasi oo dhaqaale fara badan ka qaadi jirtay Diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM