Maxaa looga hadlay Kulanka Gollaha Aqalka Sare?

Image

MUQDISHO, Somalia - Gollaha Aqalka Sare ee Baaramaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Axad ah dood adag ka yeeshay Khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Halkan ka akhri.

Kulanka maanta oo ahaa mid xasaasi ah, ayaa waxaa shir guddoominaayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana goobjoog ahaa inta badan Senetarada.

Ajandaha kulanka waxaa hareeyay Shirkii ay horaantii bishan magaalada Kismaayo ku yeesheen Madaxweniyaasha dowlad goboleedyada, kaasi oo laga soo saarey war-murtiyeed ka dhan ah dowladda.

Intii u socotay dooda, Senetarada ayaa ku kala aragti duwanaaday qodobadii ka soo baxay Shirkii Kismaayo, oo ay kamid ahaayeen joojinta dib u eegista dastuurka iyo sameynta Gollaha Iskaashiga.

Senetarada qaar waxay ku tilmaameen shirkii Kismaayo mid lagu duminayo dowladda dhexe, halka kuwa kale ay sheegeen in Kulankii hogaamiyaasha maamul goboleedyada uu ahaa mid waxtar u leh dalka.

Dooda Aqalka Sare oo waqti badan qaadatay ayaanan kasoo bixin wax natiijo ah, kadib markii xubnaha ay noqdeen kuwa u kala qeybsama labo dhinac, oo ku guuldareestay inay isku afgartaan ajandaha Kulanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM