Maxaa looga hadlay kulankii Khayre iyo Abiy Axmed?

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan kula qaatey dhiggiisa Itoobiya Abiy Axmed magaalada Addis Ababa, oo shalay uga billaabatey booqasho labo maalmood qaadaneysa.

Qoraal lasoo dhigay Bogga Twitter-ka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Khayre iyo Abiy Axmed ay kawada hadleen arrimo badan oo dan u ah labada dalka iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

"Waxaan kulan mira-dhal ah la yeeshay mudane Abiy Axmed, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya. Waxaan kawada hadalnay arrimo dan u ah labada dal. Waxaan isla qirnay inay naga go'an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo shacabkooda," ayaa lagu yiri qoraalka.

Booqashada Khayre ee Addis Ababa ayaa ka dambeysay martiqaad rasmii ah oo uu ka helay Abiy Axmed, waxaana ku wehlinaya oo wafdigiisa kamid ah Wasiirka qorsheynta, Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo xubno katirsan Xafiiskiisa.

Khayre ayaa Muqdisho uga tagey Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, oo Addis Ababa uga hormaray, isagoo usoo gogol-xaaray booqashadiisa, mana la oga sababta arintan ka dambaysa. [Halkan ka akhri Warka].

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyay oo ka socda dowladda Federaalka oo la kulma Abiy Axmed tan iyo markii bishii April loo doortey Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, isagoo bedelay Hailemariam Desalegn oo is-casilay Febuary. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM