Maxaa looga hadlay kulankii Khayre iyo Abiy Axmed?

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan kula qaatey dhiggiisa Itoobiya Abiy Axmed magaalada Addis Ababa, oo shalay uga billaabatey booqasho labo maalmood qaadaneysa.

Qoraal lasoo dhigay Bogga Twitter-ka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Khayre iyo Abiy Axmed ay kawada hadleen arrimo badan oo dan u ah labada dalka iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

"Waxaan kulan mira-dhal ah la yeeshay mudane Abiy Axmed, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya. Waxaan kawada hadalnay arrimo dan u ah labada dal. Waxaan isla qirnay inay naga go'an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo shacabkooda," ayaa lagu yiri qoraalka.

Booqashada Khayre ee Addis Ababa ayaa ka dambeysay martiqaad rasmii ah oo uu ka helay Abiy Axmed, waxaana ku wehlinaya oo wafdigiisa kamid ah Wasiirka qorsheynta, Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo xubno katirsan Xafiiskiisa.

Khayre ayaa Muqdisho uga tagey Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, oo Addis Ababa uga hormaray, isagoo usoo gogol-xaaray booqashadiisa, mana la oga sababta arintan ka dambaysa. [Halkan ka akhri Warka].

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyay oo ka socda dowladda Federaalka oo la kulma Abiy Axmed tan iyo markii bishii April loo doortey Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, isagoo bedelay Hailemariam Desalegn oo is-casilay Febuary. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM