Maxaa looga hadlay Shirka Gollaha Wasiirada Soomaaliya? [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda xukuumada Soomaaliya ayaa maanta ku yeesheen Muqdisho kulankoodii caadiga ahaa oo maalin laga soo hormariyay, kaasi oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ugu horeyn, Khayre ayaa Gollaha uga warbixiyay safarkii uu ku tegay dalka Itoobiya halkaasoo uu kula soo kulmay dhigiisa dalkaasi Abiy Axmed, isagoo sheegay inay kawada hadleen arrimo khuseeya xiriirka labada dal.

Khayre iyo wasiirada ayaa soo dhaweeyeen Wasiirada, Wasiiro ku xigeenada iyo Wasiiro dowlayaasha cusub ee dhawaan la magacaabay, kuwaasi oo kulanka u ahaa kii ugu horeeyay.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa warbixino kala duwan looga dhageystay wasiiro dhowr ah oo ay kamid yihiin, Amniga, Howlaha Guud iyo kuwa kale.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuurkar Islow [Ducaale] ayaa Gollaha u sheegay in ciidamada amaanka ay dar-dar geliyeen howlaha amni xaqiijinta caasimada, islamarkaana sacaadihii ugu dambeeyey ay soo qabteen, dileena xubno Shabaab ah.

Wasiirka Howlaha Guud, Guryeynta iyo dib u dhiska Cabdifitaax Maxamed Ibraahim [Geesey] oo lagu soo dhaweeyay Gollaha, maadaama dhawaan loo magacaabay xilkaas ayaa horkeenay Hindise Sharciyeedka Naqshadda dhismaha Magaalooyinka.

Dood dheer iyo fallaqeyn kadib, Wasiiradda ayaa si wada-ogol ah u meel-mariyeen Hindise Sharciyeedka Naqshadda dhismaha magaalooyinka, kaasoo ay soo diyaariyeen Khuburo ka tirsan Wasaaradda Howlaha Guud.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM

Natiijo horey loo saadaalinayay oo kasoo baxday doorashadii Galmudug

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ayaa horey u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 07:25PM