Maxaa Sababay in Ajaaniibta u dagaalanta Al-Shabaab ay Is-dilaan?

Image

JILIB, Soomaaliya - Waxaa soo badanaya Ajaaniibta is-dilaysa iyagoo ka bar-bar dagaalanta Al-Shabaab, sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Kenya.

Shaqsigii ugu dambeeyay ee Ajnabi ah wuxuu ahaa Kenyan lagu magacaabo Abdi Kimani.

Kimani oo dhawaan kusoo biiray Al Shabaab ayaa waxuu isku dilay guri uu ka deganaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaasoo ay iskula noolaayeen xubno kale oo Ajaaniib Kenya u dhashay.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in Kimani oo ku biiray Al-Shabaab 3 Isbuuc ka hor, uu is-dilay markii ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka nolasha ah.

Waaxa uu noqonayaa Kenyan-kii saddexaad oo is-dila, halka tiro kalena ay baxsadeen.

“Ajaaniibta Al-Shabaab u dagaalama, waxay wajahayaan dhibaato dhanka nolasha ah, waxayna la kulmayaa wax aysan filayn maxaa yeelay xaalada halkaan way adag tahay, sidaas ayeyna isku dilayaan,” Citizen TV ayaa sidaas kasoo xigtay qof aan la magacaabin.

Hal isbuuc ka hor, Haweeney Tanzanian ah, taasoo dhawaan kusoo biirtay Al Shabaab, oo lagu magacaabi jiray Amnia ayaa is-dishay kadib markii ay xaalad adag soo wajahday, sida uu Citizen TV uu sheegay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in Saldhiga Al Shabaab ee degmada Afmadow ay isku dishay Haweeney kale, taasoo kamid ahayd Al Shabaab kadib markii lagu soo eedeeyay inay xatooyo sameysay.

Is-dilka xubnaha ajnabiga kamidka ah Shabaab ayaa noqday mudooyinkii dambe mid caadi ah tan iyo markii Kooxda joogteysay talaabooyinka ay ku dilayso dadka ay uga shaki inay u basaasaan dowlada Soomaaliya iyo Kenya ama Howlgalka AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM