Maxaabiis dil lagu xukumay oo ka baxsaday xabsiga Beledweyn

Image

October 15, 2014 (GO)- Ugu yaraan todoba maxbuus oo qaar horay dil loogu xukumay ku jiraan ayaa ka baxsaday xabsiga dhexe ee degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim ayaa xaqiijiyey baxsashada maxaabiista.

Waraysi uu siiyey idaacada VOA laanteeda afka soomaaliga wuxuu ku sheegay in dadka fakaday ku jireen qaar ku eedeysnaa inay ka tisan yihiin Ururka Al-shabab.

Mar la weydiiyey sababta keentay arintan iyo weliba inay cadayn u hayaan in maxaabiistaas si ulakac ah loo fasaxay iyo in kale, wuxuu sheegay inaysan jirin cid maxaasbiistaas gacan ku siisay inay baxsadaan.

Maxaabiista ayaa dalooliyey gidaarka xabsiga iyagoo adeegsanaya weel bir ka sameysan oo cunto loogu geeyey kana faa'iideystey roob da'ayey iyo gidaarka oo xiligaas qoyanaa.

Xabsiga degamada Beledweyne wuxuu kamid yahay kuwa ugu qadiimsan xabsiyada ku yalla dalka, mana helin wax dayactir ah mudooyinkii u dambeeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM