​Maxaabiis laga sii daayya xabsiga dhexe degmada Jowhar

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

JOWHAR, Somalia- Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa cafis u fidiyay Sagaal ruux oo mid kamid ah haweenay ahayd kuwaasi oo ku xirnaa saldhiga dhexe degmada Jowhar, waxaana la sheegay in dadkaasi loo sii daayay munaasabadda ciidul Fidriga Awgeed.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay weheliyaan qaarka mid ah  mas’uuliyiinta kale, ayaa booqday saldhiga Booliska degmada Jowhar isagoo soo saaray amar dadkaasi lagu cafiyay, isagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe, Daa’uud Xaaji Cirro, oo ka hadlay siideynta maxaabiistan ayaa sheegay in 9 maxbuus oo mid ka mid ah ay tahay haweeney loo fidiyay cafis si ay ula wadaagaan qoysaskooda ciid Al-Fitriga.

Maxaabiistan ayaa dhankooda warbaahinta gudaha uga warbixiyay dareenkooda waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin dib u helista xorriyadooda.

10-kii dambe ee bisha Ramadaan ayaa xabsiyo badan oo ku yaalla dalka Somalia, waxaa laga sii daayay maxaabiis dambiyo yar yar u xirnaa, waxaana dadkaasi loo cafiyay qiimaha ay leedahay maalintaasi iyagoo loogu talo galay inay la ciidan qoysaskooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM