Maxamed Mursal oo loo doortay gudoomiyaha Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Mursal ayaa loo doorray Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka kadib markii uu kusoo baxay doorashada.

Gudiga doorashada aya aku dhawaaqay inuu Mursal helay wareegga 3aad 147 cod, iyadoo musharaxii kale ee la tartamay uu helay 118 cod, sidaasina uu ku badiyay.

Maxamed Mursal ayaa bedelaya Maxamed Cismaan Jawaari oo iska casilay xilkan 9-kii bishan kadib markii laga keenay Mooshin kalsooni kala noqosho ah.

Waxaa codeeyay 265 Xildhibaan, oo kamid ah kuraasta Gollaha oo ka kooban 275.

Guusha Mursal ayaa la sheegay inay timid kadib markii Xildhibaanadii u codeeyay Cabdicasiis Lafta Gareen ay aadeen dhankiisa, oo halkaasi ka helay cod badan.

Maxamed Mursal oo horey sidoo kale usoo noqday Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa noqonaya gudoomiyihii labaad ee Gollaha oo la dhisay sanadkii 2017-ka.

Filo Taariikhda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM