Maxamed Xasan Nuur Muuse: Nabadoon lagu dilay Muqdisho

Image
Qoyskiisa ayaa xaqiijiyey in lagu dhex-khaarijiyey gurgiisa isaga oo akhrinaya Qur'aan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley ayaa lagu waramay in xalay ay gurigiisa ku dhex-dileen nabadoon Maxamed Xasan Nuur Muuse oo kamid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Falkan khaarijinta ah ayaa ka dhacay xaafadda Juungale ee degmada Yaaqshiid. Sida ay sheegeen qoyskiisa, marxuumka ayaa la khaarijiyey isaga oo ahrinaya kitaanka Qur'aanka.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah ee ka dhaca caasimadda waxaa aalaaba dusha loo saariyaa ama sheegta Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan qoyska marxuumka ayaa xaqiijiyey in meydkiisa ay ku wareejiyeen hay'adda dambi-baarista CID-da si loogu sameeyo baaritaano lagu baadigoobayo cidda ka dambeysay.

Beegsiga odayaasha dhaqanka ayaa si weyn ugu soo kordha magaala madaxda Soomaaliya xilliyadda doorashooyinka maadaama ay ku lug leeyihiin nidaamka xulista Xildhibaanadda.

Al-Shabaab oo horey ugu yeertay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa uga digtey in ay ku lug-yeeshaan geedi-socodka xulista sharci-dejiyeyaasha baarlamaanka 11aad.

Sidoo kale, waxay ugu hanjabtay in ay talaabo ka qaadeyso cid kasta oo kamid ah odayaasha oo ku lug-yeelata. Tani waxay abuurtay cabsi ah in ay saameyn ku yeeshaan geedi-socodkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM