Maxay kawada hadleen Wafdiga Farmaajo iyo Dowladda Ethiopia?

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia ayaa maanta 03 May. 2017 booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Ethiopia, waxayna kulamo la qaateen madaxda waddankaas.

Arrimaha ugu muhiimsan ee laga wada hadlayay ayaa ahaa; xaaladda Somalia iyo xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya labada dhinac.

Kulan albaabadu u xiranyahay kadib labada dhinac ayaa isla qaatay inay kawada shaqeeyaan hormarka laba dalka iyo iskaashi laga galo kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isal wasaaraha Ethiopia oo si wadajir ah uga hadlay arrimaha la isla qaatay ayaa sheegay inuu guulaystay kulankii labada dhinac dhexmaray.

Wararka uu helay Warsidaha GO, ayaa sheegay in dhinacyadaas ku heshiiyeen arrimo ay kamid yihiin;

  • In labada dal in si xor ah dhaqdhaqaaq ganacsi uu dhex maro
  • In shirka London uu noqdo mid Somalidu leedahay
  • In labada waddan isku aragti ka noqdaan dhismaha ciidamada Somalia si ammaanka loogala wareego AMISOM
  • Iskaashi labada waddanka ka yeeshaan Abaaraha ka jira gobolka
  • In la xoojiyo ciidamada Booliiska si loola dagaallamayo Burcad Badeeda
  • Iyo Ethiopia oo soo dhaweysay qorshaha amniga lagu sugayo ee ay waddo xukuumadda Somalia.

Shirkaas kadib ayaa loo ballansanaa kulamo kale oo looga hadlay arrimaha labada waddan, balse Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkaas soo gaabiyay kadib dilkii wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u diska oo lagu toogtay Muqdishu.

Booqashada ayaa markii hore loo qorsheeyay inuu qaato muddo saddex maalmood ah,

Waa safarkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Somalia ku tago Ethiopia oo aad ugu taxaluqda siyaasadda waddankan kasoo kabanaya colaadaha sokeeye.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM