Maxkamad ku taala dalka Malawi oo xukuntay shaqsi Soomaali-British ah

Image

LILONGWE, Malawi – Maxkamad ku taala caasimada Malawi ee Lilongwe ayaa ruux Soomaali British ah waxay ku xukuntay in uu bixiyo hal milyan oo ah lacagta waddankaas laga adeegsado ee loo yaqaano Malawian kwacha.

Sapulian Chitonde, oo ah afhayeenka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kamuzu, ayaa sheegay in lacagta uu bixinayo Maxamed Xamid Abuubakar ay tahay mid uu kaga badbaadayo xukun xabsi oo horey loogu ridday.

Abuubabar ayaa bishaan laga qabtay madaarka isagoo watay maandooriye waxaana xeer-beegtadda ay go’aamisay in uu xabsi ku qaato sideed sano oo ay wehliso shaqo adag ama in uu bixiyo ganaax lacageed oo badan.

Marry Photola, oo ah dacwadoogaha dowladda Malawi, ayaa shaaca ka dhigay in 31-sano jirkaan la qabtay 7-dii bishaan November isla markaana maandooriyaha laga helay boorsadiisa uu culeyskeedu gaarayo 5.6 kilo-garaam.

Sidda uu wariyey bogga Nyasatimes.com, Abuubabar oo kalkii uu kasoo muuqdey qirtay dambiga lagu soo oogay ayaa kusii jeeday caasimadda Belgium-ka ee Brussels, wuxuuna la socday diyaaradda Ethiopian Airlines.

Thomson Midias, oo ah garsooraha xukunka ku ridday Abuubakar ayaa si lamid ah wuxuu amar ku bixiyey in la burburiyo maandooriyaha la qabtay.

Iyaddoo si guud caalamka ay mamnuuc uga tahay dhoofinta maandooriyaha, haddana dalka Malawi ayaan laga ogoleyn ka ganacsiga mukhaadaraadka, waxaana qofkii lagu helo uu ku muteysan karaa xukun xabsi iyo shaqo adag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM