Maxkamada Ciidanka oo xukun dil ah ku riday Nin dil ka gaystay Baydhabo [Dhageyso]

Image

BAYDHABO, Somalia - Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridey Dil ka gaystay magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Ninkan lagu xukumay dilka ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Aadan Cali Barrow, ayaa lagu helay inuu ku dilay Baydhabo 6-da bishan June Sheekh caan ahaa oo lagu magacaabi jirey Maxamed Madeer.

Gudoomiyaha Maxkamada Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay in Xukunka, isagoo intaasi ku daray in sidoo kale ay Maxkamada xukun xabsi daa'in ah ku riday labo kale oo qeyb ka qaatey dilka.

Shuute ayaa tilmaamay in go'aanka Maxkamada uu yimid markii ay raggan ku heshay eedaymihii lagu soo oogay, ee ahaa inay katirsan yihiin Al shabaab, sidoo kalena ay dileen Sheekh Maxamed Madeer.

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee dowladda Federaalka ayaa mudooyinkii dambe kordhisay xukunada dilalka ah ee ay ku fulinayso Dadka loo soo qabtey dilalka iyo inay xiriir la leeyihiin Al shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO GUDOOMIYAHA OO KA HADLAYA 

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM