Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay Taliyihii hore ee Danab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku eedeeyay wax is daba Marin “Musuq” iyo Isticmaalka Awood dheeri ah oo uusan la Ogeyn Taliska sida Ku tagrifal Hub cadowga laga soo furtay.

Gen. Odowa Yusuf Raage ayaa shaqa joonin ku sameeyay September Sideedii Sanadkan Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, Sidoo kale Taliska ayaa Ismaaciil ku xanibay Xarunta Military-ga.

Bartimihii October ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Eed ka dhan ah Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik taliyihii hore ee Danab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo Awood u leh dhaqaajinta Dacwadaha ayaa Gal Dacwadeed Gaashaanle Ismaaciil kala wareegay Hogaanka Baarista Military-ga, waxaana xilligaas loo taxaabay Xabsiga Dhexe ee Xamar Gar-suge ahaan.

Horgeyn kadib 25-kii November ayaa la dhageystay Eeda ka dhanka ah Ismaaciil, Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada Xoogga Dalka oo kamid ah Markhaatiyaashii ay Xeer Ilaalinta la timid ayaa Qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu ku yaqiinay intii uu Hogaanka Danab hayay Asluub wanaag.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa dalbaday in dib loo dhigo Dacwadda maadaama aysan dhameystirneen duruufa jira Darteed Maragyada ku xusan Gal Dacwadeedka Sarkaalkan.

Lixdii December bishan ayaa la dhageystay Afar markhaati oo ay Ismaaciil shaqa wadaag ahaayeen mana jirin qof Ka markhaati kacay xattooyo xoolo Dadweyne.

Abuukatayaasha u dooday Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa ku fasiray Isticmaalka Awoodda ee ku xusan Galka in ay aheyd Masuuliyad ay ka gaabiyeen Taliska balse Ismaaciil uu ku dhiiraday dhisidda Moralka Ciidamada iyo Caafimaadkooda, waxa ayna Garsoorka Ciidamada ka dalbadeen in lagu abaal mariyo howshii qaran ee uu gutay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna Sidoo kale qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu shaqa wanaagsan ka qabtay howlaha loo igmaday laakiin uusan taliskiisa Ogeysiis ka siin howlahaasi.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn Amartay in Xorriyadiisa dib loogu Celiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Taliyihii Danab hadii aysan jirin Dambiya kale oo loo haysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM

Ra'iisul Wasaare Xamse oo booqasho ku tagaya waddanka Kenya

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli uu Nairobi ka socdo shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 04:55AM