Maxkamadda Ciidamada Somalia oo taagasho kale ku fulisay Askari [Dhageyso]

Image

BAYDHABO, Somalia- Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Askari katirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Askariga oo lagu magacaabi jiray Cali Nuurow Maxamed, ayaa waxaa lagu helay inuu ku dilay degmada Buurhkabo Qaasim Cabdiyow, sidoo kalena uu dhaawacay labo wiil oo uu dhalay marxuumka 10/10/2016.

08/11/ 2016 ayaa Askariga oo darajadiisu ahayd Dable, kana katirsanaa Booliska Koonfur Galbeed lagu xukumay Dilka toogashada.

Xukunkaas ayaa maanta Maxkamaddu ku fulisay Marxuumkaas oo muddo ku jiray gacanta laamaha amniga fuliysay.

Liibaan Cali Yarow, Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida iyo Gudoomiyaha Maxakamada Darajada 1aad ee Ciidanka Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku sugnaa goobta toogashada.

Dilka Askarigana ayaa imaanaya maalin kadib markii Shalay magaalada Baydhabo lagu dilay afar nin oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo geystay qaraxyo ay ku dhimatay 80 ruux.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa kordhisay maalmahan dilalka ay ku fulinayso dad lagu eedeeyay inay katirsan yihiin Al shabaab iyo Askar dilal geestay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM