Maxkamadda G.Banaadir oo amartay in lasoo xiro Bahlaawi

Image

MUQDISHU, Somalia- Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa soo saartay waaran lagu xirayo Agaasihii wasaaradda Warfaafinta Somalia, oo shaqo fariisin lagu sameeyay markii la magacaabay Wasiir Yariisow.

Agaasime Cabdirasaaq Cali Yusuf (Bahlaawi), ayaa ku gacan sayray shaqo joojintaas lagu sameeyay isagoo sidoo kale diiday inuu wareejiyo shaqafa xafiiska.

Amar kasoo baxay makamadda gobolka Banaadir, ayaa lagu sheegay in Bahlaawi lasoo qabto islamarkaana maxkamad lasoo taago.

Maxkamadda ayaa waaranka u cuskatay Codsi uga yimid Xeer ilaalinta gobolka, waxaana taliyaasha iyo Taliska guud ee gobolka la faray in gacanta lagusoo dhigo mas’uulkaas.

Lama oga sababta uu u diiday amarka Wasiirka, balse Yariisow ayaa waraaq uu horay usoo saaray wuxuu sheegay in mas’uulkaas aan loo ogolaan inuu soo galo xarunta wasaaradda isagoo sidoo kale codsi u tiray taliyaasha mas’uulka ka ah gobolka inay arrintaas la socdaan.

Bahlaawi ayaa hadda ku sugan magaalada Muqdishu, wuxuuna muddo hayay xilka Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM