Midowga Musharaxiinta oo qoraal u diray Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta madaxtinimada doorashooyinka Soomaaliya 2020-21 ayaa Isniintii shalay waxay qoraal u direen wakiiladda Beesha Caalamka.

Qoraalkaas uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online kuna taariikheysan 11-ka Janaayo, 2020 ayaa ka kooban laba bog, waxaana uu ku qornaa luuqadda English-ka.

Musharaxiinta ayaa qoraalkooda waxay diiradda ku saaraan is-mari-waaga ka taagan coddeynta soo aadan gaar ahaan saddexda qogob ee xudunta u ah khilaafkaas ragaadey.

Sidda ku xusan qoraalka, musharaxiinta ayaa soo jeedinaya in hal magaalo ay ka dhacdo doorashooyinka, waana xalka kaliya ee looga gudbi karo is-qabqabsiga haatan taagan.

Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayay soo jeediyeen in looga dambeeyo xulista wakiiladda Somaliland ee baarlamaanka federaalka.

Liiska xubnaha ay dhexdhexaadnimadooda dureen ee kamid ah guddiyadda lagu muransan ee doorashooyinka ayay tibaaxeen in ay diyaariyeen, wallow aysan magacaabin.

"Midowga Musharaxiinta wuxuu ugu baaqayaa wakiiladda Beesha Caalamka in ay qaadaan talaabooyinka ku haboon kahor inta uusan dalku kala dhan-taalmin," ayay soo qoreen.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM