Midowga Yurub oo lacag u ballan qaaday Booliiska Somalia

Image
Image
Image
Image

MUQDISH, Somalia- Midowgay Yurub ayaa ballan-qaaday inay taageero dhaqaale siinayaan ciidanka Booliiska Somalia, Afarta Sano ee soo socota, kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdishu.

Shirka lacagtaas lagu shaacinayay, waxaa joogay;Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti, Taliyaha Ciidanka Booliska Maxamed Sheekh Xasan  iyo Sifiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador  Mrs. Veronique.

Dhinacyadaas ayaa isku afgartay in meel la saaro mushaharaadka Booliiska si loo adkeeyo Ammaanka islamarkaana la isaga kaashado xasilinta dalka.

Sifiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador  Mrs. Veronique, ayaa carrabka ku dhuftay inay diyaar u yihiin sidii dalka loo xasilin lahaa, taasoo ay xustay in wadiiqada loo mari karo tahay in la helo ciidamo dhinac walba ka dhammaystiran.

Taliyaha ciidanka Booliiska iyo wasiirka maaliyadda Somalia, ayaa qorshahan soo dhaweeyay, waxayna dhinacooda ballan-qaadeen inay la shaqayn doonaan Yurubka Midoobay.

Shaacinta taageeradan ayaa timid Xilli Madaxweynaha cusub ee Somalia, uu ballanqaaday in ciidamo heli doonaan xaqooda isagoo maalmihii ugu horeeyay doorashadiisa lacago la siiyay Booliiska dalka oo ku shaqeeya duruufo adag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM