Midowga Yurub oo si kulul u eedeeyay DFS iyo maamullada

Image

BRUSSELS - Baarlamaanka Midowga Yurub oo meel-mariyay Qaraar ku saabsan xaaladda Soomaaliya ayaa wuxuu ku eedeeyay dowladda hadda jirtaa ee Soomaaliya inay ku tumato Xuquuqda Aadanaha.

Gollahaan oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa waxay kaloo ku eedeeyeen xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre inay caburiso saxaafadda madaxa banaan ee ka howlgasha deegaanada ay maamusho.

Sidoo kale, dowlad goboleedyada dalka ayaa loo soo jeediyay eed taas lamid ah.

Labaduba - Dowladda Federaalka iyo maamuladda - wuxuu ugu baaqay Baarlamaankaan xaruntiisu tahay dalka Belgium-ka inay ilaaliyaan, oo ay dhowraan xuquuqda Aadanaha, islamarkaana Saxaafadda xor ka dhigaan.

"Dowlada Soomaaliya ee hadda jirta waxay ku xadgudubtaa shuruucda u degan caalamka ee dhowrida xuquuqda Aadanaha iyo xorriyadda hadalka," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Baarlamaanka EU.

Cambaareyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli saxaafadda Soomaaliya iyo wariye-yaasha ka howlgala ay kala kulmayaan dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada tacadiyo kala duwan, oo xariga, jirdil iyo cagajugleyn ay kamid yihiin.

Wali dowladda Soomaaliya iyo maamullada kama aysan jawaabin eedeynta loo soo jeediyay, oo ah midii ugu cuslayd oo Ururka Midowga Yurub uga yimaado.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu amniga xun ee uu saxafi ka howlgalo, waxaana ka dhacay dilal qorsheysan iyo Afduub lagula dhaqaaqo Wariye-yaasha dalka u dhashay iyo kuwa kale ee Ajnabiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM