Midowga Yurub oo war kasoo saaray bixitaanka AMISOM

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay inuu dhaqan-galo qorshaha kala guurka ee dalka uga baxayaan ciidamadda AMISOM, laguna wareejinayo amaanka kuwa Soomaaliya.

War-saxaafadeed uu soo saarey Howlgalka Midowga Yurub, ayaa waxaa kaloo lagu bidhaamiyay inay diyaar u yihiin sii waditaaganka taageeradda ay siiyaan AMISOM, inta ay mas'uuliyadda amaan kala wareegayaan ciidanka xooga dalka [SNA].

EU-da ayaa sheegtay in tan iyo markii ay ciidamadda AMISOM soo galeen Soomaaliya sanadkii 2007-dii ay ugu deeqeen aduun lacageeda dhan 1.73 Bilyan oo Dollar-ka Mareykanka, ayna ka go'an tahay inay sii wadaan kaalmada.

"AMISOM waxay ka shaqeynaysaa nabad Soomaaliya, walina way u heelan yihiin inay sii wadaan, illaa iyo uu ka dhaqan-geliyo qorshaha kala guurka ah ee amaanka loogu wareejinayo ciidamo Soomaaliyeed ah," ayaa lagu yiri bayaanka Midowga Yurub.

Sanadka 2022-ka ayuu qorshuhu yahay in ciidamadda Midowga Afrika ee AMISOM ay isaga hayaamaan gabi ahaanba Soomaaliya, inkastoo ay ka muujiyeen mas'uuliyiinta AU-da qorshaan walaac badan, iyagoo qiil uga dhigay in aysan Soomaaliya u diyaarsanayn.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda wada dadaalo ay ku dhisaneyso ciidamo, kuwaasoo la doonayo in mas'uuliyadda amaan ee guud ahaan wadanka ay kala wareegaan ciidamadda Midowga Afrika, kuwaasoo in ka badan 10 sano dalka joogay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM