Mooshin lagu difacayo Xasan Sheekh oo la gudbiyay

Image

1 September, 2015 (GO)-Xildhibaano ka tirsan barlamanka Somalia ayaa maanta guddoonka u gudbiyay mooshin lagu difaacayo madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.

Mooshinkan ayaa Waxaa Saxiixay 125 xildhibaan, kuwaasoo la sheegay inay taageersan yihiin madaxweynaha Somalia, ayna kasoo horjeedaan eedeymaha laga gudbiyay.

Xildhibanada taagersan madaxweynaha ayaa shegaya in xilligan aan loo baahnayn mooshin ka dhan ah madaxweynaha, waxayna ku tilmaameen in arintaasi loogu tala galay in lagu curyaamiyo hawla jira.

Wararka laga helayo barlamanka aya sheegaya in qaar ka mid ah xildhibanadii horey uga soo horjeeday madaxweynaha ay ka laabteen moshinkii hore.

12 Augusto ayay ahayd markii la soo gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo lagu tilmaamay inuu ku fashilmay hogaaminta dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM