​Mowqifkii Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo is-badalay

Image

BELEDWEYNE, Somalia- Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), ayaa bedelay go'aankiisa ku aadan dhisamaha maamulka cusub Hir-Shabeelle ee lagu aas aasay magaalada Jowhar.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay inuu taageeray dhismaha  Hir-Shabeelle, oo horey u diidanaa, wuxuuna tilmaamay in maamul aan ahayn kan xalay madaxdiisa la doortay uusan ka shaqeyn doonin gobolka uu gudoomiyaha ka yahay ee Hiiraan.

"Rabitaan Shacab ayaa lagu dhisay Hir-Shabeelle, waxaana ay u dhacday Doorashadiisa si xor iyo Cadaalad ah, marka waxaan leeyahay Bulshada iyo Odayaasha reer Hiiraan taageera Maamulkan," Ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Yuusuf Dabageed, ayaa  markii hore la mowqif ahaa Odayaal dhaqan oo Beledweyne ku shirsan, kuwaasi oo doonayay inay maamul gaar ah dhistaan, kadib intuusan dhawaan tagin Muqdishu.

Hadalka Dabageed ayaa kusoo beegmaya, xilli inta badan Odayaasha Beelaha gobolka Hiiraan, ay kawada qeybgaleen Shirkii Jowhar, ee lagu dhisay maamulka Hir-Shabeelle.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo ah Ugaas Beesha Xawaadle, ayaan wali bedelay Go'aankiisa uu ku diidan yahay dhisamaha Hir-Shabeelle, isagoo ku gacan sayray codsiyo kala duwan oo uga yimid IGAD iyo dowladda Somalia, kuwaasoo ahaa inuu ka mid noqdo dadka wax ka dhisaya maamulka Hir-Shabeelle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM