Mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland oo kulmey

Image

May 20, 2015 (GO)- Wada-hadal ayaa maanta magaalada Hargeysa uga furmey hoggaamiyeyaasha axsaabta mucaaradka ee Wadani iyo Ucid iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Kulankan oo looga arrinsanayo khilaafka ka dhashay muddo kororsiga Golaha Guurtidu u sameeyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo weliba dib u dhaca ku yimid doorashada, wuxuu socon doonaa muddo dhowr maalmood ah.

 

Maanta waxaa laga doodayey ajandaha shirka, waxaana laysku raacay in  laga wada hadlo sidii meel dhexe laysugu imaan lahaa islmarkaana loo gaari lahaa xal deg deg ah. Kulanka ayaa dib u furmi doona maalinta Sabtida ee soo socota.

Axsaabta mucaaradka ayaa kasoo horjeestey muddo kordhin ku siman muddo sanad iyo toban bilood ah oo Golaha Guurtidu u sameeyey Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa iyo Golaha Wakiillda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM