Banaanbax ka dhan ah AMISOM oo ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Isu-soo-baxaan ayaa kusoo aadaya xilli howlgalka lagu eedeeyay dilka dad shacab ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudaaharaad looga soo horjeedo ciidamada howlgalka AMISOM ee jooga waddanka Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah ka dhacay magaalada caasimadda u ah Soomaaliya ee Muqdisho.

Isu-soo-baxan ayaa si gaar ah uga qabsoomay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere halkaasoo ay ku dhow-dahay Madaxtooyadda Soomaaliya ee looga arimiyo waddanka.

Boorarka ay wateen dibad-baxayaasha waxaa ku qornaa erayo ka dhan ah AMISOM kuwaasoo ay kamid tahay "dil gardaro ah ma aqbaleyno, "AMISOM haka baxdo dalkeena" iyo erayo kale.

Qaar kamid ah dadka kasoo qeybgalay banaanbaxa oo ay ku jiraan ehalada dad dhowaan ciidamada AMISOM ku dileen gobolka Shabeellaha Hoose ayaa cod dheer waxay ku dalbadeen "cadaalad waafi ah"

"Tirro ka badan tobban jeer ayay dhacdey in ciidanka AMISOM ay dilaan dad shacab ah. Intaan ka badan uma dulqaadan karno. Waxay noqdeen nabad ka ilaalin halkii ay ahaayeen nabad-ilaalin," ayuu yiri mid kamid ah banaanbaxayaasha.

Dowladda Soomaaliya ayay ku tartarsiiyeen in ay soo farageliso kiiskii ugu dambeeyay oo lagu eedeeyay ciidamadda AMISOM in ay todoba qof oo rayid ah ay si bareer ah ugu dileen Shabeellaha Hoose.

Taliska AMISOM ayay ku eedeeyeen "in uusan diyaar u ahayn garaw-shiyo uu ka bixiyo falkan dhacay". Askarta lagu eedeeyay toogashada waxay u dhasheen Uganda. Kampala waxay qiratay dilka lala xiriiriyey.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamadda AMISOM lala xiriiriyo dilka dad shacab ah. Dhacdooyinkii horey loogu eedeeyay waxaa lagu xaliyey daaha gedaashiisa waxaana dhif ah in la maxkamadeeyo dambiileyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM