Mudada loo qabtay magacaabida guddiyada doorashada oo gabaabsi ku dhow

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba maalmood oo qura ayaa ka hartey dhamaadka mudada loo qabtay dhismaha guddiyada doorashada 2020-21 labada heer – federaal iyo gobol – xilli aysan jirin qaban-qaabo lagu magacaabayo.

Sidda ku xusan jadwalka ay madaxda ku heshiisay kadib wadahadaladii kuqabsoomay Villa Soomaaliya, guddiyada waa in lasoo magacaabaa inta u dhaxeysa 10-ka illaa 20-ka October si loo tababaro 20-ka illaa 31-ka bishaan.

Heshiiska ayaa xeerinaya in coddeynta noqoneyso mid dadban ay Xildhibaanada laba magaalo oo kamid ah maamulada kusoo xulayaan 101 ergo, iyaddoo murashax Senete-ka laga rabo 20-kun oo Doolar, Aqalka Hoosena $10-kun.

Ergada ayay isku raaceen in lasoo xulo bisha November si ay 1-da December u doortaan Senatorkii ugu horeeyay isla markaana 1-da December u soo xulaan xubnaha Aqalka Hoose oo sii dooranaya guddoon iyo madaxweynaha.

Lama ogga sababta dhabta ah ee dhinacyadda wali shacabka ula wadaagin wakiilada ku metalaya guddiyadda maamulaya coddeynta soo aadan.

Ra'iisul wasaare Rooble oo la sheegay in uu warqad u diray madaxda maamuladda ayaa ka codsaday in ay soo dedejiyaan magacaabida guddiyadda.

Su'aallaha jawaabaha u baahan ee ku geedaaman waxaa kamid ah; ma waxaa lala sugayaa dhismaha xukuumadda cusub ee uu soo magacaabayo ra'iisul wasaare Rooble? xiisada cusub ee gobolka Gedo miyaa caqabad noqotay? Ma jadwal
cusub oo aan ahayn kan lasoo bandhigay ayay dib ugu heshiiyeen?

Dedaalo uu warsidaha Garowe Online sameeyay si qaar kamida xafiisyada madaxda maamuladda uga jawaabaan su'aalahan ayaan guuleysan.

Hadii mudadan ay idlaato iyaddoo aan lasoo magacaabin guddiyadda, qodobkii ugu horeeyay ee heshiiska ku dhigan ee madaxda ku guuldareysto in ay fuliso ayuu noqonayaa, taas oo shaki gelineysa dhaqan-gelinta qaarka kale.

Xilli ay heshiiska ka gows-qabsadeen kuna sifeeyeen mid ka hoos-maray yoolkii Soomaaliya ku taameysay sanadihii dambe ee qof iyo cod, wakiilada Beesha Caalamka ayaa Khamiistii u tegay Baydhabo arrimo doorashada ku jirto.

Ma cadda hadii socdaalkaas uu horudhac u yahay safar guud oo ay ku marayaan degaanada maamuladda iyagoo ka shidaal-qaadanaya maalmaha tirsamaya ee loo qabtay magacaabida guddiyada doorashada iyo qaban-qaabo la’aanta

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM