Mulaxamiisti Cabdikarin Jiir oo Muqdisho ku geeriyooday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdikarim Farah Qaareey (Jiir) oo ka mid ahaa laxamiistayaasha ugu caansan Soomaalida ayaa Axada maanta ah ku geeriyooday Magaalada Muqdisho oo mudooyinkii dambe uu xanuunsanaa sida ay xaqiijiyeen ehelada Marxuumka.

AUN, Jiir waxa uu ku dhashay Magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug sanadka marka uu ahaa 1943 ka dibna waxa uu u soo wareegay Magaalada Muqdisho 1960, halkaas ayuu ka bilaabay hayaankiisa fanka.

Cabdikariin wuxuu si rasmi ah fanka ugu biiray sanadka markuu ahaa 1963 oo uu noqday mid ka shaqeeya Radio Muqdisho, muddo dheer kadib ayuu wuxuu u badashay Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta qaybta suugaanta, halkaas uu muddo ka shaqeynaayey.

Bilowga Fankiisa ayuu ku sheegay in Magaalada Hobyo uu ka qaadi jiro Heellada xilliga Arooska.

Waxa uu laxameeyay in ka badan 120 heesood kuwaas oo Soomaalida Caan ay ka tahay dhaxdooda, Heeso uu laxameeyay fanaaniinta ugu caansan waxaa ka mid ah; Hibo Nuura, Maryan Mursal, Xasan Aadan Sametar, Hanuuniye, Magool, Maxamed Mooge, Shankaroon, Sahro Cali Xasan iyo kuwa kale.

Mulaxamiiste Jiir waxa uu heeso bada u laxameeyay heeso uu qaadan fanaanka weyn ee Xasan Aadan Samater, kuwa uu la xameeyay waxaa ka mid ah, Baladweyne, Siraadey, Ayaamaha, Ceel Barde iyo kuwa kale.

Muqdisho ayuu ku xanuunsanaa waayadaan Alle ha u naxariisto Saakay ayuu ku geeriyooday mid ka mid ah Isbitaalada Magaalada sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.

Dhinaca kale mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda ayaa ka hadlay geerida ku timid marxuumka, waxayna tacsi u direen ehelladiisa iyo guud ahaan bahda Fanka.

Wasaaradda warfaafinta oo qoraal soo saartay ayaa sidoo kale Abwaanka Alle uga bariday inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowsa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM