Ciidamada dowladda Somaaliya oo xiray Isgoyska KM4

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Ciidamada amniga Dowladda Federaalka Somaaliya, ayaa xiray Isgoyska Lambar Afar [KM-4], kadib markii Gaari looga shakiyay inuu ku xiran yahay qarax, lagu arkay wadada aada dhanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka aan ka helayno Saraakiisha Booliska, ayaa sheegayaa in Albaabada la isagu dhuftay Goobaha Ganacsiga, ee ku yaalla Hareeraha Wadada, sidoo kalena hakad la geliyay Isku socodka Gaadiidka iyo dadweynaha, kadib markii la arkay Gaariga laga shakiyay.

Ciidamada kahor-taga Qaraxyada, ayaa goobta gaarey, kuwaasi oo baaraya Gaariga noociisu yahay CAARIB, kaasi oo looga shakisan yahay inay ku xiran yihiin walxaha qarxa, islamarkaana la doonayay in lagu fuliyo weearar.

Laamaha amniga dowladda , ayaa sheegay inay dib ka fahfaahin doonaan baaritaanka socda.

Isgoyska KM-4 ayaa ah wadooyinka ugu mashquulka badan magaalada, waxaana uu isku xiraa Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Madaxtooyada, Villa Somalia.

Wadadan waxaa sidoo kale si aad ah u isticmaalaan Madaxda dowladda Somaaliya iyo Wafduuda booqashada ku timaada Caasimadda, ee kasoo daga Garoonka Diyaaradaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burburka Shirkii Xalane iyo Khilaafka Doorashada oo Soomaaliya Geliyey Marxalad Siyaasadeed oo Cusub

Wadahadallada ayaa u dhexeeyey madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay…

  • Soomaliya

    15-05-2026

  • 07:53PM

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM