Muqdisho: dab khasaare maaliyadeed geystey oo gubey kaalin shidaal

Image
Image
Image
Image
Image

February 23, 2015 (GO)- Khasaare maaliyadeed oo xooggan ayaa ka dhashay dab maanta ka kacey goob shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla isgoyska Black Sea oo ka tirsan degmada Hawl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

Dabka oo baabi'iyey shidaal gaaraya ku dhowaad afar kun oo fuusto waxaa sababey shoor ka dhashay matoor dab-dhaliye ah (Generator).

Ciidamada dabdemiska oo kaashanaya boqollaal dadweyne ah ayaa ku guuleystey inay dabkaas xakameeyaan, waxaana dabka si buuxda loo demiyey saddex saac kaddib markii uu bilowday.

Dhanka kale, qaar kamid ha ganacsatada shidaalka ayaa sheegay in goobahooda ganacsiga la boobey muddadii uu dabku socdey.

Ma ahan markii ugu horreysey ee dab ka kaco kaalin shidaal oo ku taalla isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM