Gaari ay leedahay shirkad Turki ah oo la qarxiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, ruux kalana wuu ku dhaawacmay qarax Arbacada maanta ah ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Weerarka oo ahaa miino ayaa lala eegtay gaari la sheegay in ay leedahay shirkadda fadhigeedu yahay waddanka Turkiga ee ku howlan dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Saraakiil amni oo telefoonka kula hadlay warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyey in gaariga ay saarnaayeen shaqaalo Soomaali ah oo la socday baabuurka isla markaana waxyeelada ay ayaga qeyb ka yihiin.

Balse, saraakiisha ayaa ka gaabsaday in ay kala caddeeyaan hadii qofka dhintay iyo ruuxa dhaawaca ah ay saarnaayeen gaariga.

"Gaariga waxay miinada la kacdey isaga oo maraya nawaaxiga Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed," ayuu yiri goobjooge u waramay Garowe Online. "Gaariga waxaa soo gaarey burbur xooggan".

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaan, balse waxaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeysay Al-Shabaab.

Dilalka qorsheysan iyo qaraxyadda miinooyinka ayaa bishaan Janaayo, 2021 waxay ku badan yihiin caasimadda oo isku-diyaarineysa martigelinta doorashooyinka madaxtinimada oo aan wali wada-ogol laga gaarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM