Muqdisho: kolonyo ka tirsan nabad-sugidda oo qarax lala eegtay

Image

January 4, 2015 (GO)- Kolonyo ka tirsan ciidamada nabad-sugidda Dowlada Federaalka ayaa galabta qarax lagula beegsaday degmada Waaberi  gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaan Afisyooni.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan waxaa jugtiisa laga maqlay badi degmooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidamada la weeraray oo watey dhowr gaari waxay kusii jeedeen garoonka diyaaradaha.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya nooca qaraxa haseyeeshee waxaa loo badinayaa inuu ahaa weerar ismiidaamin ah oo qof gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey saarnaa fuliyey.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha qaraxaasi geystey mana jiraan ilaa iyo hadda mas'uuliyiin ka tirsan laamaha ammaanka oo ka hadlay.

Weerarkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii Al-shabaab duulaan qorsheysan ku qaaday xerada Xalane oo iyadu ah saldhigga koowaad ee taliska ciidamada AMISOM.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM