Muqdisho: labo hoteel oo qaraxo lagu weeraray

Image

July 10, 2015 (GO)- Labo qarax oo waaweyn ayaa goor lala beegsaday labo hoteel oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo weeraray hoteellada Weheliye iyo Siyaad.

Hoteelka Siyaad ayaa wax yar u jira madaxtooyada Villa Somalia halka hoteelka Weheliye uu ku yaallo jidka muhiimka ah ee Maka Al-mukarrama.

Qaraxyada kadib waxaa lagu soo waramayaa in rag hubeysni labada hoteel gudaha u galeen, waxaana weli la maqlayaa rasaas goos goos ah.

Khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay qaraxyada, inkastoo ilaa iyo hadda aan xog dhameystiran laga helin.

Al-shabaab ayaa dhowr mar oo hroe weerartay hoteello magaalada Muqdisho ku yaal, kuwaas oo inta badan ay degaan mas'uuliyiinta dowladda iyo qurbe-joogtu.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM