Ururka NUSOJ oo cambaareeyey xariga wariyeyaasha

Image

January 5, 2015 (GO)- Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyey xariga afar kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala magaalada Muqdisho.

Afarta weriye ee la xiray ayaa kala ah agaasimihii Radio Risala Maxamed Cabdiwahaab, Tifatirihii Radio Risala Maxamed Kaafi iyo; Maxamed Salaad iyo Ibraahim Xaaji Yuusuf oo iyaguna ka tirsan Radio Goob joog.

Xoga Hayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Pakistan oo u waramay Radio Garowe ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay xarigga iyo caburinta lagu hayo warbaahinta isagoo sheegay inay ku hawlan yihiin sidii wariyeyaasha xiran xoriyadooda loogu soo celin lahaa.

Dhanka kale waxa uu ka waramay dib u dhaca ku yimid maxkamad maanta lagu waday in lasoo taago wariyeyaal ka tirsan Radio Shabelle oo muddo dhowr bilood ah u xirnaa Dowlada.

Pakistan ayaa sheegay in sababta maxkamada dib loogu dhigay tahay maadaama la waayey oo ay maxkamada soo xaadiri waayeen qareemadii u doodayey labada weriye.

In ka badan 10 wariye ayaa lixdii bilood ee ugu dambeeyey lagu xiray magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM

Midowga Afrika oo ugu baaqay Xasan Sheekh iyo Mucaaradka in ay dib ugu laabtaan wada-hadallada

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu ammaanay labada dhinac sida ay ugu diyaar garoobeen wada-hadal toos ah.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:08AM