Muqdisho oo dib looga furayo Xarun laga hago hawada Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Munaasabada ballaaran oo lagu daah-furayo xarunta hagista duulimaadka hawada ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa laga daah-furayaa magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo, Mas'uuliyiin katirsan labada golle ee dowladda Federaalka, madax ka socoto dowlad goboleedyada, marti sharaf kale oo ay kamid yihiin diblomaasiyiinta beesha caalamka ayaa ka qeybgalaya xafladda.

Xaruntan cusub ayaa waxaa dib uu howlgelisay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo ay maalgelisay Hay'adda QM ee ICAO oo tan iyo 1992 maamulaysay hawada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in todobaadyada soo socda ay si muuxda ugala wareegto ICAO guud ahaan maamulka hawada dalka.

Wasiirka Duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa iclaamiyay dhawaan in qalabkii lagu hagi lahaa hawada mar hore lagu rakibay xarunta laga dhisay gudaha Garoonka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM