Muqdisho: qarax ka dhacay meel u dhow garoonka Aadan Cadde

Image

December 3, 2014 (GO)- Ugu yaraan 4 qof ayaa ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaarey qarax goor dhow ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ismiidaamin ahaa islamarkaana loo adeegsadey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey waxaa lala beegsaday kolonyo kamid ah gaadiidka Qaramada Mudoobay oo goobtaas marayey.

Warar hordhac ah oo Garowe Online heshay ayaa sheegay in dadka geeriyoodey ay ku jiraan sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo dhowr qof oo kale oo rayid ahaa.

Lama oga khasaaraha soo gaarey dadkii la socdey gaariga Qaramada Midoobay lahayd ee qaraxa lala eegtay, sidoo kale lama oga in gaarigaas dad ajaanib ahi la socdeen iyo in kale.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM