Muqdisho: qarax ka dhacay meel u dhow Hotel Maka Al-mukarama

Image

March 11, 2015 (GO)- Qarax ayaa goor dhow ka dhacay meel u dhow Hotel Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lagu soo warramayaa inuu ku qarxey goob xilliga habeenka kubadda cagta lagu ciyaaro.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo weliba qaabka uu u dhacay.

Ciidamada ammaanka oo durbadiiba goobta yimid ayaa xirey agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay.

Hotel Maka Al-mukarrama dhowr mar oo hore ayaa qaraxyo caynkan oo kale ahaa lagu weeraray.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM