Muqdisho: Dowladda Federaalka oo mar kale xirtey Radio Shabelle

Image

April 5, 2015 (GO)- Ciidamada nabad-sugidda ee Dowladda Federaalka ayaa xalay mar kale xirey idaacadda Shabeelle oo ah FM gaar loo leeyahay kana hawlgasha magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa sidoo kale xirey qaar kamid ah hawl wadeennada idaacadda gaar ahaan agaasimihii Shabeelle Maxamed Muuse Maxamuud iyo madaxii wararka Axmed Cabdi Xasan.

Af-hayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in sababta Radio Shabeelle loo xirey tahay maadaama uu baahiyey warar liddi ku ah amniga islamarkaana khal khal gelin kara xasilloonida dalka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xiritaanka Radio Shabeelle ayaa kusoo aadaya labo maalmood kadib markii xabsiga loo taxaabey Wariye Cabdifataax Kacaan oo ah wariye indho la' kana tirsan Radio Goobjoob.

Waa markii labaad muddo sanad gudihiis ah ee idaacaddan la xiro, waxaana xusid mudan in dhowaan ganaax lacageed lagu sii daayey mulkiilaha idaacadan iyo qaar kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM