Muqdisho: sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka oo qarax lagu dhaawacay

Image

November 16, 2014 (GO)- Qarax duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka ee garoonka Aadan Cadde.

Sida wararku nagu soo gaarayaan bam loogu xiray gaarigiisa ayaa ku qarxay xilli uu marayey isgoyska Sayidka meel u dhow Hotel Wehliye. Qaraxa waxaa sidoo kale dhaawac fududi kasoo gaarey qof rayid ah oo xilligaas goobta ka ag dhowaa.

Wararka laga helayo Muqdisho ayaa intaas ku daraya in sarkaalkaasi dhaawac culus ka qabo qaarka dambe ee jirka gaar ahaan lugaha ayna u badan tahay in labada lugood midkood laga gooyo.

Todobaadkii hore ayaa Al-shabaab waxay toogasho ku dileen taliyihii waaxda socdaalka ee garoonka diyaaradaha Muqdisho Maxamuud Cabdi Dhabarow.

Qaraxyda caynkan ah ayaa muddooyinkii u dambeeyey kusoo badanayey magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in mas'uuliyiin dowladda ka tirsanaa labo kamid ahina xildhibaanno ahaayeen horay loogu diley qaraxyo loogu xiray gawaaridooda.

Bishii hore ee October ciidamada nabad-sugidda ayaa la wareegey labo garaash oo la sheegay in lagu diyaarin jirey qaraxyada lagu dhejiyo baabuurta iyo weliba qaar kamid ah shaqaalihii labadaas xarumood ka hawl gelayey oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa dhowrkii todobaad ee u dambeeyey soo xumaanayey, waxayna arimahani kusoo aadayaan xilli goleyaasha xukuumadda, baarlamaanka iyo madaxtooyadaba uu saameeyey khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee dowladda, khilaafkaasoo horseeday in laga mashquulo hawlo badan oo sugidda ammaanku qayb ka tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM